You are here

Qaybaha dumarka xagga ninka

×

Error message

Deprecated function: Function create_function() is deprecated in views_php_handler_field->pre_render() (line 202 of /var/www/drupal7-websites/sites/all/modules/contrib/views_php/plugins/views/views_php_handler_field.inc).

Islaamka wuxuu dhigay xeerar xukumaya xiriirka u dhexeyn ninka iyo haweenta ajanabiga ka ah

Haweenka xagga ninka waxay u qaybsamaan qaybo:

  1. Inay tahay haweentu xaaskiisa

Waxaa u bannaan ninka inuu eego oo ugu raaxeysto xaaskiisa siduu doono, haweentuna way u bannaan tahay iyadana sidaas oo kale inay la yeesho ninkeeda, Allaah wuxuu ku sheegay inuu u yahay hu’ xaaskiisa, xaaskana  hu’ u tahay ninkeeda, waana sawir ka bixin wanaagsan isku duubnidooda iyo xiriirkooda nafsiga iyo kalgaceylka iyo mid oogeed dhexdooda, Allaah kor ahaaye wuxuu yiri:
(هُنَّ لِبَاسٌ لَكُمْ وَأَنْتُمْ لِبَاسٌ لَهُنَّ) (البقرة: 187)
“Waxay idin yihiin hu’, oo idinkuna hu’ baad u tihiin”. (Al-Baqarah: 187) (Eeg bogg 262)

  1. Inay haweenta ka tahay ajanabi

Haweenta ajanabiga ah waa haweeney kasta oo aan ka mid ahayn maxaaramtiisa hadday ka mid tahay qaraabadiisa sida gabadha adeerkiis iyo gabadha eeddadiis ama gabadha abtigii ama gabadha habaryarti, iyo xaaska walaalki iyo qaraabooyinka reerka, ama yeysan ka mid ahaan qaraabadiisa oo yuusan la lahaan xiriir xigaalo ama xidid, 

Islaamkuna wuxuu u yeelay shuruud iyo xeerar xiriirka uu ninka muslimka la lahaan karo haweenta ajanabiga ka ah dhowris ahaan xilaha iyo si loo awdo irdaha uu shaydaanka uga soo gali karo  dadka, waayo Midka abuuray aadmiga baa dhab u ogsoon waxa anfacaya sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
(أَلَا يَعْلَمُ مَنْ خَلَقَ وَهُوَ اللَّطِيفُ الْخَبِيرُ) (الملك: 14)
“Miyuusan Kan abuuray aqoonin? Isagoo ah gun ogaha, ka War Haya (wax walba)”. (Al-Mulk: 14)

  1. Inay ka mid tahay dumarka maxaaramtiisa ah

Waxaana loola jeedaa maxaarim haweeney kastoo ka xaaraan ah ninka inuu guursado xaaraantinimeyn abad ah, maxaarimtana waa kuwan:

النسب 1

Hooyadaa ku dhashay  ama ayeeyda xagga aabbaha ama hooyada, sida hooyaadaa hooyadeed  iyo aabbahaa hooyadi, haba  kala kor jireene.

2 Gabadha aad dhashay ama gabadha uu dhalay wiilkaaga ama gabadha ay dhashay gabadhaada haba kala hooseeyaane.
3 Walaasha aad isku aabbaha iyo hooyada tihiin ama walaasha aad isku aabbaha tihiin ama walaasha aad isku hooyada tihiin. 
4 Eeddadaa tooska ah oo ah aabbahaa walaashi ay isku aabbaha iyo hooyada yihiin ama isku aabbaha ama isku hooyada, waxaana soo galaya aabbaha eeddadi iyo hooyadaa eeddadeed.
5 Habaryarta tooska ah oo ah hooyadaa walaasheed ay isku aabbaha iyo hooyada yihiin, ama walaasheed xagga aabbaha ama hooyada, waxaana soo galaya aabbahaa habar yarti iyo hooyadaa  habar yarteed.
6 Gabadha uu dhalay walaalkaa aad isku aabbaha iyo hooyada tihiin ama isku aabbaha ama isku hooyada, haba kala hooseeyaane sida gabadha uu dhalo wiilka uu dhalay walaalkaa. 
7 Gabadha ay dhashay walaashaa aad isku aabbaha iyo hooyada tihiin ama isku aabbaha ama isku hooyada, haba kala hooseeyaane sida gabadha ay dhasho walaashaa gabadheed. 
الصهر 8 Xaaska hooyadeed xaaskaa ha ahaato mid uu qabo markaa ama mid  ay kala tageen, hooyadeed waxay ka mid tahay maxaarimtiisa abad, sidoo kale hooyada xaaskaaga hooyadeed. 
9 Gabadha ay dhashay xaaskiisa uusan isagu dhalin. 
10 Xaaska wiilka haba kala hooseeyaane sida xaaska wiilka wiilkaaga, iyo wiilka gabadha aad dhashay. 
11 Xaaska aabbahaa haba sii kala korreeyaane sida xaaska aabbahaa aabbihi ama hooyadaa aabbaheed. 
الرضاع 12

Hooyadaa xagga nuugmada, oo ah haweenta nuujisey labada sano ee hore ee dhalashadiisa laga billaabo dhalashadiisa shan nuugmo uu ka dhergo, wuxuu Islaamka siiyey xaq nuujinteeda darteed isaga. 

13

Walaashaa xagga nuugmada, oo ah gabadha haweenta nuujisay intuu yaraa sida aan soo sheegnay, sidoo kale dhammaan qaraabada xagga nuugmada waa ka xaaraan sida xurmadda qaraabada xagga dhalashada, sida eeddada iyo habar yarta iyo gabadha walaalki xagga nuugmada iyo gabadha walaashi xagga nuugmada. 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide