You are here

Nicmadda u weyn ee jirta Adduunka

quran and islamic books

Allaah wuxuu ugu nicmeeyey aadimiga nicmooyin aan la soo koobi karin,  qof walba oo naga mid ah wuxuu  ku sugan yahay nicmooyinka Ilaahay iyo fadligiisa,  Allaah waa Kan nagu galladeystey maqalka iyo aragga halka aan la siinin dad badani, oo wuxuu nagu galladeystey caqliga iyo caafimaadka iyo maalka iyo ehelka, bal wuxuu noo sakhiray kownka oo dhan hadday tahay  cadceeddiisa, cirkiisa, arladiisa iyo  uunankiisa“

(وَإِنْ تَعُدُّوا نِعْمَةَ اللهِ لَا تُحْصُوهَا)(النحل: 18)
“Oo haddaad tirisaan Nicmooyinka Ilaahay, ma koobi kartaan. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan”. (An-Naxal: 18)ولهذا أضاف الله هذه النعمة إليه سبحانه تشريفاً لها عن غيرها من النعم، فقال سبحانه: (الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا) (المائدة: 3).

Laakiinse dhammaan nicmooyinkan waxay la dhammaadaan dhammaanshaha noloshan gaaban ee adduunka.. hase ahaatee nicmadda keliya ee laga dhaxlo liibaanta iyo xasilloonida adduunka gudahi oo saameyn weyn sidoo kale ku leh Aakhirada waa nicmadda ku hanuunka Islaamka,  waa nicmadda ugu weyn uu Allaah ku galleystey addoomahiisa. 
Sidaas darteed buu Allaah ugu tiirshey Nicmaddaa xaggiisa sharfid ahaan iyo ka soocid qeyrkeed nicmooyinka kale, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:
(الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا) (المائدة: 3).
“Maalintan baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiin doortay Islaamka diin (hab dhaqan) ahaan”. (Al-Maa’idah: 3)
Oo maxaa ka weyn galladda  uu Allaah u galo aadmiga marka uu ka saaro mugdiyada uu u soo saaro xagga nuurka oo ku hanuuniyo diinta uu u doortay, si uu ula yimaado ujeeddada iyo arrinka loo abuuray darteed oo ah caabudidda Ilaahay, si uu u helo liibaan adduun iyo abaal wanaagsan ee Aakhiro.
Maxaa ka weyn abaalka iyo fadliga Allaah noo galo markuu noo xushay oo noo doortay si aan u ahaanno ummad tan u wanaagsan ummadaha loo soo saaray dadka si aan u qaadno xilka kelmedda Laa ilaaha illal Laah ( Ma jiro la caabude xaq ah aan ahayn Allaah) uu Allaah la soo diray anbiyada oo dhan nabad dushooda ha ahaatee.
Oo markay  moodeen juhalada qaarkood inay  abaal leeyihiin  islaamkooda darteed, oo ugu waxtar  sheeegteen arrinkaa Nabiga  wuxuu Allaah ku baraarujiyey in fadliga iyo gallada gebigeedaba uu leeyahay Allaah maadaamuu u sahlay ku hanuunka  diintan, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri:

(يَمُنُّونَ عَلَيْكَ أَنْ أَسْلَمُوا قُلْ لَا تَمُنُّوا عَلَيَّ إِسْلَامَكُمْ بَلِ اللهُ يَمُنُّ عَلَيْكُمْ أَنْ هَدَاكُمْ لِلْإِيمَانِ إِنْ كُنْتُمْ صَادِقِينَ) (الحجرات: 17).
 “Waxay kuugu abaal sheegtaan  qaadashadooda islaamka darteed. Dheh: Ha iigu abaal sheegannina islaamiddiinna. Bal Allaah baa idiinku abaal sheeganaya idinku hanuunintiinna Iimaanka darteed, haddaad run sheegeysaan”. (Al-Xujuraat: 17)
Haddaba nicmooyinka uu Ilaahay bixiyey aad bay u badan yihiin, sidaa oy tahay nicmadda keliya uu Allaah noogu waxtar sheegtay waa nicmadda Islaamka iyo hanuunka si aad u caabuddo oo ugu gooni iyo gaar yeesho cibaadada Allaah.

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide