You are here

Qaybaha

Waxay isku raaceen dhammaan Risaalooyinka anbiyadii loo diray dadkooda in la caabudo Allaah Keliya aan waxna lala wadaajin cibaadada, iyo in lagu gaaloobo oo la diido wax kastoo la caabudo Allaah ka sokow, waana kaa xaqiiqda macnaha weedha Laa ilaaha illal Laah Muxammad Rasuulul Laah – Ma jiro la...

Allaah wuxuu amray Muslimka inuu ka daahiriyo uurkiisa iyo qalbigiisa shirkiga iyo cudurrada quluubta gala sida xasadka iyo kibirka iyo xumaan tirsiga, iyo inuu ka daahiriyo oogadiisa najaasooyinka iyo wasakhaha, marka hadduu sidaasi falo wuxuu mutaa maxabbada Ilaahay sida uu Allaah Kor ahaaye: (...

Salaaddu waa tiirka Islaamka iyo xiriirka uu addoonku la leeyahay Rabbigi iyo gacalki u gargaara, sidaas awgeed waa midda ugu weyn cibaadooyinka oo ugu sharaf badan, Allaah wuxuu ku amray qofka Muslimka ah inuu dhowro xaalad uu ku jiraba negaansho iyo safar iyo caafimaadqab iyo jirroba.

Allaah Kor ahaaye wuxuu ku faral yeelay Muslimiinta soon bil keliya sannadkii mar, waa bisha Ramadaan ee barakeysan, wuxuuna ka dhigay tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka iyo dhidabbadiissa waaweyn, Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: }يََا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا...

Allaah wuxuu faral yeelay sakada, oo ka dhigay tiirka seddexaad ee tiirarka Islaamka, wuxuuna ugu gooddiyey qofkii iska daaya bixinteeda ciqaab daran, oo wuxuu ku xiray walaaltinnimada lala leeyahay Muslimiinta toobad keenka iyo oogidda salaadda iyo bixinta sakada, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri...

U xajiyidda Makkah waa tiirka shanaad ee tiirarka Islaamka, oo waa cibaado ay ku kulmaan noocyada cibaadooyinka lagala yimaada oogada iyo qalbiga oo laga bixiyo maalka, waa inuu gutaa qofkii kara oogo ahaan iyo maal ahaan mar keliya sannadkii. Allaah Kor ahaaye wuxuu yiri: (وَلِلهِ عَلَى النَّاسِ...

Geeridu ma aha dhaammaadka arrinka, laakiinse waa heer cusub uu galayo aadmiga, iyo billow nolosha kaamilka ah ee Aakhirada, sida uu Islaamka ugu dadaalay dhowrista xuquuqda tan iyo dhalashada, wuxuu sidoo kale adkeeyey axkaanta dhowreysa xuquuqa meydka oo daryeeleysa xaalka reerkiisa iyo...

Dabeecad wanaagga ma aha xagga islaamka dhereg dhacsi iyo suubbis laga maarmo, laakiinse waa qayb xoog leh oo ku xiran diinta dhinac walba oo ka mid ah dhinacyadiisa, dabeecad wanaaggana wuxuu islaamka dhexdiisa leeyahay meeqaannada kan ugu weyn iyo derejooyinka midda ugu sarreysa, wuxuuna...

Islaamka wuxuu dejiyey dhammaan axkaanta iyo xeerarka sharciga ee dhowraya dadka oo u ilaalinaya xuquuqda maalkooda iyo shaqadooda ha ahaado hodan ama faqiir, oo ka qayb qaadanaya is heysashada bulshada iyo horumarkiisa iyo baraarahiisa xag kasta qaybaha nolosha.

Cuntada xalaasha ah waxay ku leedahay raad weyn Islaamka, waayo waa sababta aqbalka baryada iyo barakada xagga maalka iyo ehelka. Waxaana loola jeedaa cuntada xalaasha wixii cunto bannaan ah oo lagu kasbado siyaalo bannaan iyo maal bannaan halkii dulmiga iyo ku xad gudubka xuquuqda dadka kale.

Dharku waa nicmo ka mid ah nicmooyinka uu Allaah ku galladeystey aadmiga, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri: ( يَا بَنِي آدَمَ قَدْ أَنزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسًا يُوَارِي سَوْءَاتِكُمْ وَرِيشًا وَلِبَاسُ التَّقْوَىَ ذَلِكَ خَيْرٌ ذَلِكَ مِنْ آيَاتِ اللهِ لَعَلَّهُمْ يَذَّكَّرُون) ( الأعراف: 26...

Islaamku wuxuu aad ugu dadaalay inuu dhidibbada u aaso qoys wanaagsan, oo ka dhowro wax kasta oo wax yeelleynaya oo dhibaato ku ah dhismaha qoyska, waayo hagaagga qoyska iyo isku tiirsanaantooda waxaa ka dhalanaya hagaagga qof walba iyo bulshada guud ahaan.

Xusidda Ilaahay waa mid ka mid kuwa ugu ajar badan cibaadooyinka, ee ugu waxtar badan addoonka adduunka iyo Aakhiradaba, wuxuuna ku kororsadaa Muslimka sharaf iyo u dhowaansho abuurahiisa wanaagsan (Allaah).

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide