You are here

Shanta arrimood ee lagama maarmaanka ah

Waa danaha iyo arrimaha waaweyn aanu ka maarmin aadmiga si uu u noolaado nolol wanaagsan, waxayna la yimaadeen dhammaan  sharciyada Ilaahay  amarka ah in la dhowro arrimahaa oo laga digtoonaada waxa lidkood ah. 

Wuxuu Islaamka u yimid in la dhowro oo la daryeelo arrimahaa si uu ugu noolaado qofka Muslimka ah dunidan isagoo deggan aamin ah u shaqeysta adduunkiisa iyo aakhiradiisaba. 

Oo u noolaado mujtamaca muslimka iyagoo ah ummad keliya  is heysata oo sida hal dhis ah uu adkeeya qaarkiba qaar, iyo sida hal oogo, hadduu ka sheegto xubin, jirka intiisa kale uu la dareemo xumadda iyo soo jeedka, waxaana lagu xafida karaa danahaa shanta ah labo arrimood:

In la oogo oo la dhowro

In laga ilaasho falaad iyo wax fasahaadiya

Waxaana weeye shanta loo baahi qaba ee  lagama maarmaanka ah in la dhowro:

Diinta:

Waana arrinka weyn ee uu Allaah u abuuray dadka darteed, oo u soo diray Rususha inay gaarsiiyaan oo dhowraan, sida uu Allaah kor ahaaye yiri:
}وَلَقَدْ بَعَثْنَا فِي كُلِّ أُمَّةٍ رَسُولًا أَنِ اعْبُدُوا اللهَ وَاجْتَنِبُوا الطَّاغُوتَ{(النحل: 36).
“Oo Waxaan xaqiiq ka soo saarnay ummad walba Rasuul (leh): Caabuda Allaah, oo ka dheeraada Daaquud”. (Al-Naxal: 36). 
Wuxuu Islaamka aad u daryeelay dhowrista diinta iyo ka xafididdeed wax kastoo wax u dhimaya oo saameynaya ka saafi ahaantiisa shirkiga iyo khuraafaadka iyo waxyaalaha lagu soo daro, ama macaasida iyo waxyaaaha xaaraanta ah

Oogada:

Wuxuu Allaah amray in la dhowro oo la badbaadhsho nafta aadmiga xitaa hadduu arrinkaa keenayo  in lagu dhaco xaaraan, waayo marka ay dani ku kallifto qofka waa laga cafiyaa waxaa uu ka fursan waayey oo dani ku qabatay,  sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
}فَمَنِ اضْطُرَّ غَيْرَ بَاغٍ وَلَا عَادٍ فَلَا إِثْمَ عَلَيْهِ إِنَّ اللهَ غَفُورٌ رَحِيمٌ{ (البقرة: 173).
“Qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanan dooneyn  oo aan xad gudbeyn,  ma jiro wax dambi ah oo saaran korkiis. Hubaal Allaah waa Dambi Dhaaf Badane, Naxariis Badan”. (Al-Baqara: 173)
}ولاَ تُلْقُواْ بِأَيْدِيكُمْ إِلَى التَّهْلُكَةِ{(البقرة: 195).
Sidaasi awgeed buu wuxuu reebay dilidda nafta iyo in loo geysto waxyeello, wuxuu Allaah Kor ahaaye yiri: “Oo ha isugu tuurina gacamahiinna tahluko”. (Al-Baqarah: 195)
}يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِصَاصُ فِي الْقَتْلَى{(البقرة: 178)
oo wuxuu sharciyeeyey cuquubooyinka go’an ee reebaya in lagu xadgudubo dadka xaq darro diintay doonaanba ha heystaane, sida uu Allaah kor ahaaye yiri:
}وَلَكُمْ فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُولِي الْأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ{(البقرة: 179)
“Mu’miniintow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka”. (Al-Baqara: 178)

Caqliga

Wuxuu Allaah Kor ahaaye reebay wax kastoo saameeya oo daboola caqilga iyo garashada, waayo caqliga waa wax ka mid ah nicmooyinka  weyn uu Allaah na siiyey, waxaana ku jira sharafka aadmiga iyo ka duwanaantiisa uunka kale, waana wax keena su’aasha iyo xisaabta adduunka iyo aakhiradaba.
Sidaas awgeed buu Allaah u xarrimay khamrada iyo daroogooyinka noocay ahaadaanba oo ku sheegay  qurun camal sheydaan ah, wuxuu Allaah kor ahaaye yiri:
}يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّمَا الْخَمْرُ وَالْمَيْسِرُ وَالْأَنْصَابُ وَالْأَزْلَامُ رِجْسٌ مِنْ عَمَلِ الشَّيْطَانِ فَاجْتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ{(المائدة: 90).
“Mu’miniintow! Sideedaba Khamrada iyo  qamaarka iyo (u wax u hibeynta) sanammada iyo faalku waa qurun camal shaydaan ah ee ka fogaada aad liibaataane”. (Al-Maa’idah: 90)

Taranka

Waxay ka muuqataa xaqiijinta islaamka iyo ku dadaalkiisa dhowrista taranka iyo sameynta reer iyo qoys ay ku barbaaraan barbaarta arrimaha sarsare axkaamta uu u dejiyey waxaana ka mid ah:

•    Wuxuu islaamka dhiirra geliyey guurka iyo in la sahlo oo aan laga badbadin inta uu kallifayo qarash ahaan, wuxuu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَأَنْكِحُوا الْأَيَامَى مِنْكُمْ{ (النور: 32).“Oo u guuriya kuwaa idinka midka ah ee xaaslaawayaasha ah”. (An-Nuur: 32)

•    Isklaamku wuu xaaraantinimeeyey dhammaan xiriirrada dambiga ah oo awday dhammaan wadiiqooyika lagu gaaro xumaatada, wuxuu Allaah Kor ahaaye yiri:
}وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا{ (الإسراء: 32).
“Oo ha u dhowaannina Zinada, waayo,waa anshax xumo iyo dhabbo  aad u xun”. (Al-Israa: 32)

•    Wuxuu reebay in dadka tuhun loo jeediyo nasabkooda iyo xilahooda, wuxuuna ka yeelay  arrinkaa meel ka dhaca ah wax ka mid ah dunuubta waaweyn, oo wuxuu ugu gooddiyey qofkii falaa cuquubo go’an adduunka, ay u dheer tahay waxa uu la kulmi aakhirada oo cadaab ah.

•    Wuxuu amray dhowrista sharafta ninka iyo haweentaba, oo wuxuu caddeyey in qofkii la dilo isagoo difaacaya  xilahiisa iyo  xilaha ehelkiisa uu yahay shahiid Dar Ilaahay (Eeg bogga).

Maalka

Wuxuu Islaamka waajib yeelay si  loo xafido maalka iyo in lagu bixiyo dadaal dalabka riziga oo wuxuu banneeyey mucaamalooyinka is dhaafsiga alaabaha iyo ganacsiga. 

Oo si loo xafido maalka wuxuu xaaraantinimeeyey ribada iyo xatooyada iyo qishka iyo khiyaanada iyo ku cunista maalka dadka xaq darro, waxaana u dhigan ciqaab oo ku soo arooray gooddin Qur’aanka qofkii sidaa fala loogu gooddiyey cuquubooyinka kuwa u daran”. (eegga bogga 218)

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide