You are here

Barashada axkaanta Islaamka

Waxaa la doonayaa qofka Muslimka inuu ku dadaalo barashada axkaanta sharciga   dhammaan dhinacyada noloshiisa, cibaadooyinkiisa iyo hab dhaqannadiisa iyo xiriirradiisa si uu ugu guto cibaadada si ka fiirsi leh iyo cilmi sida uu Rasuulkii Ilaahay  yiri: “Qofkii uu Allaah la doono khayr wuxuu fahansiiyaa diinta” (Al-Bukhaari 71, Muslim 1037)

Marka waxaa ku waajib ah qofka Muslimka barashada axkaanta waajibka ah sida habka loo tukado, sida la isu daahiriyo,   waxa bannaan ama xaaraanta ah xagga cunnada iyo cabbitaannada, iwm waxaa sidoo kale ajar laga helaa inuu barto axkaanta waxyaalaha sharciga nagu dhiirrageliyey laakiin kuma aha waajib qofka.

Axkaanta Sharciga

Dhammaan falalka qofka iyo hadalladiisa  iyo hab dhaqankiisa kama baxsana shan xaaladood:

Waajib

Waana waxa uu Allaah amray isagoo laga ajarsiiyo qofkii la yimaada oo loo ciqaabo qofkii ka taga sida shanta salaadood ee faralka ah,  iyo soomidda bisha Ramadaan

Xaaraanta

Waa waxa uu Allaah reebay isagoo laga ajarsiiyo qofkii ka taga, oo loo ciqaabo qofkii fala sida zinada iyo cabbidda khamriga.

Sunno iyo Waxa fiican in lala yimaado ee ajar leh

Waana waxa uu Islaamku dhiirrageliyey in la falo isagoo laga ajar siiyo qofkii fala  ha yeeshee aan loo ciqaabin qofkii ka taga oo iska daaya, sida u muusoodka dadka iyo u dhoolle cddeyntood, iyo in lagu billaabo slaanta, iyo ka qaadista qashinka jidka.

Waxyaalaha xun ee makruuha ah 

Waana waxa uu Islaamka dhiirra geliyey in laga tago isagoo laga ajar siiyo qofkii ka taga, ha yeeshee aan loo ciqaabin qofkii fala sida ku ciyaaridda faraha inta lagu jiro salaadda.

Waxyaalo bannaan

Waana waxa in la falo iyo in la iska daayo  aan ku soo aroorin wax amar ah  iyo iska reebid midna sida  cunidda iyo cabbidda iyo hadalka.

Shanta Tiir Ee Islaamka

Nabigu  wuxuu yiri: “Islaamka waxaa lagu dhisay shan (tiir): Ka markhaati kaca inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah, iyo in Muxammad yahay Rasuul Ilaahay, iyo oogidda salaadda, iyo bixinta Sakada, iyo u xajinta Beytka (Kacbada), iyo soomidda (bisha) Ramadaan” (Al-Bukhaari 8,  Muslim 16). 

Shantan tiir ee Islaamka waa dhidibbada aasaaska u ah diinta iyo tiirarkiisa waaweyn, waxaana ku caddeyn doonnaa oo ku faahfaahin  axkaantooda cutubyada so socda.

Waxaa ugu horreeya Iimaanka iyo towxiidka waana cutubka soo socda aan u bixinnay (Iimaanka Muslimka).

Waxaa xiga  salaadda ee ah tan ugu weyn cibaadooyinka oo ugu sharaf badan. Nabigu  wuxuu yiri: “Islaamka Tiir dhexaadkiisu waa salaadda”  (At-Tirmidi 2749), macnaha waa tiirka uu Islaamka ku taagan yahay oo ku dhisan yahay oo aan Islaam jirin la’aantiis waa Salaadda. 

Laakiinse salaadda waxaa u shardi ah ansaxeeda inuu guto qofka Muslimka ah isagoo daahir ah, sidaas awgeed waxaa xigsan doonaa cutubta (Iimaanka Muslimka), cutub ah (Dahaarada Muslimka) kaddibna (Salaadda Muslimka) sidaas baynuna  ku wadaynaa. 

Tiirarka Islaamka

  1. Ka markhaati kaca inuusan jirin la caabude xaq ah aan ahayn Allaah iyo in Muxammad yahay Rasuul Ilaahay
  2. Oogidda salaadda
  3. Bixinta Sakada
  4. Soomidda (bisha) Ramadaan
  5. U Xajinta Beytka (Kacbada)

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide