You are here

Islaamka gudahi ma jiro u dhexeeye u kala dhexeeya Addoonka iyo Rabbigi

Waxay diimo badan siiyaan qofaf gaar ah mudnaan iyo tixgelin gaar ah ee diineed ay dheer yihiin qeyrkood, waxayna ku xirtaa cibaadooyinka dadka iyo iimaankooda raallin gelinta qofafkaa iyo oggolaanshahooda, marka iyagu – dadkaa - siday qabaan diimahaa- waa kuwo u kala dhexeeya iyaga iyo Allaah, oo waa iyaga – dadkaa - kuwa bixiya dambi dhaafka, oo waa intaa ay og yihiin Ghaybka  - waxa qarsoon aan muuqan – sida ay ku andacoodaan oo sheegtaan aanse jirin – waxayna ka dhaadhicyaan dadka in khilaafiddooda ay tahay sabab keenta khasaaro caddaan ah. 

Markaasaa waxaa yimid Islaamka oo maamuusay aadmiga oo kor yeelay meeqaankiisa, oo buriyey inay ahaato liibaanta aadmiga ama toobadooda ama cibaadadooda mid ku xiran dad gaar ah si kastaba ha u fadli iyo wanaag badnaadeene.

Haddaba cibaadooyinka xagga qofka Muslimka waa wax u dhexeeya addoonka iyo Allaah, ma jiro axad dadka ka mid ah iyo cid ugu abaal sheegan karta, oo ma jiro cid u kala dhexeysa addoonka iyo Rabbigi,  waayo Allaah hufnaa oo Kor ahaaye waa mid aad ugu dhow addoomahiisa, wuxuu maqlaa baryada addoonka oo ka ajiibaa, oo arkaa cibaadadiisa iyo salaaddiisa oo ka  ajar siiyaa, mana jiro axad kale oo hanta bixinta dambi dhaaf iyo toobad, ee markuu addoonka toobad keeno isagoo u daacad ah Allaah oo Keligi caabuda  wuu ka toobad aqbalaa oo u dambi dhaafaa, mana jiro cid leh awood xad dhaaf aha ma saameys ku leh uunka iyo maamulkiisa bal arrinka oo idil wuxuu ku jiraa Gacanta Ilaahay.     

Wuxuu sidoo kale Islaamka  xoreeyey caqiga Muslimka oo ugu yeeray inuu fekero oo si miyir leh wax u eego, oo loo xukuntamo Qur’aanka iyo waxa sugan ee ka mid ah Hadallada Nabiga  iyo falalkiisa marka wax la isku qabto, mana jiro axad ka mid ah dadka oo leh xaq dhan oo furan oo waajib ay tahay in loo hoggaansamo amarkiisa xagga wax kasta uu yiraahdo aan ahayn Rasuulka Ilaahay  , waayo kuma hadlo hawadiisa, ee hadalladiisa iyo falalkiisuba waa waxyi iyo amarsiin xagga Ilaahay ah Cazza Wajalla sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
(وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى • إِنْ هُوَ إِلَّا وَحْيٌ يُوحَى) (النجم: 3-4).
“Oo ma ku hadlo hawadiisa.
Wax kale maahee (hadalkiisu) waa waxyi loo soo waxyooday”. (An-Najam: 3-4)
 Ee Maxaa ka weyn nicmadda uu noo galay Allaah Isagoo na siiyey diintan ee waafaqsan abuurista wanaagsan,  wuxuu  maamusaa dadka oo ka dhigaa kan hanta naftiisa oo ka xoreeyaa inuu u ahaado addoon oo u hogto axad kale aan ahayn Allaah Cazza Wajalla.

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide