You are here

Waqtiyada reebban in la tukado salaad sunno ah

Waqti kasta qofka Muslimka ah way u bannaan tahay inuu tukado salaad sunno ah marka laga reebo waqtiyada reebban ee Islaamku reebay in la tukado, waayo waa waqtiga cibaadooyinka gaalada, marka ma uu tukado qofka muslimka ah waxaan ahayn qalleyn salaado dhaafay ama sunnooyin leh sabab sida salaanta masjidka, arrinkaasina wuxuu ku gaar yahay salaadda oo keliya, ma xuska Ilaahay Kor ahaaye iyo baryadiis wuu la iman karaa qofka Muslimka ah goor iyo waqti kastaba. 

Waqtiyada reebban waa sidan soo socota:

  1. Kaddib salaadda fajarka ilaa ay ka soo baxdo qorraxda oo kor ugu baxdo cirka kor ahaansho yar ee lagu qiyaasay in le’eg waran. 
    Waddamada hawadooda dhexdhexaadka yahay wuxuu dhacaa kor ahaanshahaas qorrax soo baxa kaddib 20 daqiiqo ku dhowaad. 
  2. Markay ku kala baranto qorraxda cirka ilaa cadceed wareegga, waana waqti yar ee ka horreeya soo gelitaanka salaadda Duhur. 
  3. Kaddib salaadda Casar ilaa ay ka dhacdo qorraxda.

Islaamka wuu reebay salaad la tukado casarka kaddib ilaa qorraxda dhacdo 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide