You are here

Halka Laga soo Qaato Sharciyada Islaamka

Muslimiinta waxay u cuskadaan ogaanshaha sharciyada Islaamka iyo axkaantiisa xeerar iyo daliillo waaweyn ay ka soo qaataan cilmiga ay u leeyihiin axkaanta dhacdooyinka ma xalaal baa mise xaaraan…

Tixaraaca guud ahaaneed ee shareecada waa sidan soo socoto:

  1. Qur’aanka Kariimka

Waa Kitaabka Ilaahay uu u soo dejiyey addoomahiisa hanuun iyo caddeyn ahaan iyo kala saarid xaqa iyo baadilka, waana kitaab laga dhowray beddelaad iyo doorin, sidaas awgeed wuxuu Allaah ku amro dadka Kitaabkiisa gudahi ama ka reebo, waxaa saaran dhammaan Muslimiinta inay u hoggaansamaan amarka iyo iska reebiddaa,  hadduu yiraahda:
(وَأَقِيمُوا الصَّلَاةَ) (النور: 56)
“Oo ooga salaadda” (An-Nuur: 56) waxaynu dhab ahaan ogaannay waajibnimada salaadda, oo hadduu yiraahdo:
(وَلَا تَقْرَبُوا الزِّنَا إِنَّهُ كَانَ فَاحِشَةً وَسَاءَ سَبِيلًا) (الإسراء: 32)
“Oo ha u dhowaanina zinada waayo waa anshax darro iyo jid xun” (Al-Israa: 32) waxaan dhab u ogaannay inay xaaraan tahay zinada.  Maadaamana uu Allaah kafaala qaaday ka dhowrista Qur’aanka beddelaad iyo wax ku kordhin ama ka goyn, markaa waxaynu u baahannay oo keliya inaynu iska hubinno inay Aayadda  loo daliilsan karo arrinka loo soo daliilsaday.

  1. Sunnada Nabiga

Waa wax walba oo ka sugnaaday Nabiga  oo leh oraahyo iyo ficilliadiisa iyo waxyaalaha uu qiray iyo akhlaaqdiisa, marka haddaynu ogaanno sugnaashaha qowlka Nabiga  ee leh: “Waa inaan la isla guursan haweeney iyo eeddadeed iyo haweeney iyo habaryarteed” (Al-Bukhaari 5109), waxaan halkaas ku ogaannay inaysan bannaaneyn oo ansaxayn inuu nin guursado haweeney oo la guursado haweentaa eeddadeed ama habaryarteed.

Si xukun looga soo qaato sunnada Rasuulka Alle waxaa laga eegaa labo dhinac:

  • Sugnaanshaha u tiirinta xadiiska Nabiga , waxayna culimada islaamka sameeyeen dadaal aad u badan, iyo u kuur gal xeel dheer xagga odorisidda sunnada Nabiga iyo ka soocidda xadiiska sugan ee saxiixa ah ee ku sugnaaday werinta rag lagu kalsoon yahay oo xifdin badan laga sooco haddalada loo tiriyo Nabiga s.c.w ha yeeshee aan ka mid ahayn sunnadiisa, ee ka dhashay gef ama ismoodsiin ama been abuurashada cadowyada islaamka qaarkood.      
  • Waa in xadiiska u suubbado in loo daliilsan karo macnaha la doonayo oo loo soo daliilsan, waxaana suura gal ah daliillku inuu cad yahay aan la isku khilaafi karin macnahiisa, oo waxa dhici kara inuu yeesho wax hal macno ka badan, ama aan la fahmi karin in loo geeyo xadiis kale maahee. 
  1. Ijmaaca

Waa isku wada raacidda culimada islaamka dhammaan ay isku wada raacaan arrin ka mid ah arrimaha diinta waqti kasta ay joogaanba, inta badanna axkaanta islaamka iyo sharciyadiisa waaweyn way isku raaceen culimada islaamka oo iskuma ayan khilaafin,  waxaana ka mid ah tirada rakcooyinka salaadda, waqtiga af xirashada soonka, waqtiga afurka, qaddarka sakada ee dahabka iyo qalinka, iyo axkaanta kaleba. 
Haddaba hadday isku wada raacaan saxaabada ama ciddii timaadda gadaashood hal qowl waxay arrintaasi markhaati u tahay sugnaashadiisa, waayo ummaddu iskuma wada raacdo gef. 

  1. Qiyaaska

Waa xukunka laga bixiyo mas’alo aan ku soo aroorin Kitaabka Ilaahay iyo Sunnada Nabiga iyadoo loo eegayo mas’alo kale oo soo aroortay  ee kala mid ah xagga cillada iyo sababta. Tusaale waxaa u ah qowlka inuu xaaraan yahay in gacan loo qaado labada waalid iyadoo arrinkaas looga qiyaas qaadanayo  in la xaaraantinimeeyey in laga ufoodo oo lagu qeylsho,  sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
(فَلَا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا) (الإسراء: 23)
“Oo ha ku oran uf, hana ku qeylinin” (Al-Israa: 23) haddaba hadduu Allaah xaaraanshey in lagu qeylsho  si aan ugu waxyeelleyn qeyladaa, markaa xaaraan ahaanta in loo gacan qaado waa caddahay oo waaba ka daran tahay, waayo waxay ka siman yihiin cillada dhibaateynta. Waana qayb xeel dheer cutubkan ay ka gun gaari karaan oo keliya culimada ku xeel dheer cilmiga, waana qiyaaska waxaa lagu ogaado axkaanta mas’alooyinka soo cusboonaada.   

Maxay isu khilaafaan culimada iyagoo isku raacsan meelaha loo tixraaco axkaanta sharciga?

Si aynu u helno arrinkaa, waa inaynu ogaanno arrimahan soo socdo: 

  1. Dhammaan culimadu waxay isku raacsan yihiin arrimaha iimaanka iyo xeerarka sharciyada iyo tiirarka islaamka iyo qaybahiisa waaweyn, wuxuuse ku kooban yahay khilaafka qaar ka mid ah faahfaahinnada axkaanta fiqiga iyo daliilsagooda. 

Hase ahaatee xeerarka guud iyo daliillada axkaanta culimadu way isku wada raacsan yihiin  fadliga Ilaahay shareecadan ah midda lagu soo gunaanaday shareecooyinka iyo dhambaallada Ilaahay, waxaana kafaala qaaday xifdinteeda Allaah ilaa uu Allaah ka dhaxlo arlada iyo waxa guudkeed saaran. 

  1. Isku khilaafidda arrimaha laamaha shareecada iyo faahfaahinadooda waa arriin dabiici ah, mana jiro shareecad xagga Ilaahay ama xeer ay dadku degsadeen oo ka maran arrinkaa, bal ma jiro cilmi ka mid ah culuunta oo ka maran, culimada qaanuunka way isku khilaafaan sharaxa iyo tafsiirkiisa, maxkamadahana way isku khilaafaan dhaqan gelintood, culimada taariikhda way isku khilaafaan werinnada dhacdooyinka, dhakhaatiirta iyo engineerrada iyo khubarada iyo farsma yaqaannada way isku khilaafeen hal mowduuc keliya iyo sida ay u arkaan ama u falanqeeyaan.

Haddaba isku khilaafidda arrimaha laamaha shareecada iyo faahfaahintooda waa arrin caadi ah ay keeneyso nolosha cilmiga iyo dhaqan gelinta. 

  1. Allaah Cazza Wajalla wuu u cudur daaray qofkii ku doono xaqa jid sax ah markaa ka surmo seegteeya, wuxuuna Nabigu  ugu bishaareeyey qofkii ku doona xaqa jid sax inuusan waayeen ajar labada xaaladoodba:

Hadduu haleelo xaqa wuxuu leeyahay labo ajar, hadduu seegana oo ku gefo isagoo dadaalaya oo u maraya jid sax ah, wuxuu markaa leeyahay hal ajar, Nabigu  wuxuu 

yiri: “Hadduu xaakimka dadaalo oo sidaas ku haleelo xaqa wuxuu leeyahay labo ajar, haddiise uu xukun rido isagoo dadaalayey oo gefo wuxuu leeyahay hal ajar.” (Al-Bukhaari 7352)
Maruu Allaah ka warramayey qisada anbiyadii Ilaahay Daawuud iyo Sulaymaan   markii la soo bandhigay arrin si ay uga bixiyaan xukun way wada dadaaleen labaduba, waxaana abbaarta helay Sulaymaan, mana la waafajin sida abbaarta ah Daawuud  xagga  xukunkaas, markaasuu Allaah nooga warramay qisadooda oo sugay sida uu abbaar u yahay qowlka Sulaymaan oo ugu gefey Daawuud c.s, xukunkaa, sidaas oy tahay wuxuu ku ammaanay labadaba cilmigooda, sida uu Allaah yiri: “Waxaan fahansiinnay Sulaymaan, oo waxaan dhammaan siinnay xukun iyo cilmi”. (Al-Anbiyaa: 79)

  1. Dhammaan culimada la tixgeliyo iyo iimaamyada afarta mad-habadood, waxay ka soo qaataan daliilladooda Kitaabka Ilaahay iyo sunnada Nabiga  mana ka hormariyaan rayi, ka hor imaansho iskood ah, mana ku dhisnayn khilaafooda hawo raaco ama dano gaar ah ay leeyihiin ama ujeeddooyin kale, bal wuxuu ku saleysnaa aasaasyo cilmi ah si loo haleelo xaqa, waxaa jirtay inuu xadiiska gaaro midkood uusan gaarin midka kale, amaba ay isku khilaafaan fahanka daliilka laga soo qaatay Kitaabka Ilaahay iyo sunnada Nabiga  iwm
  2. Waxaa caan baxay afar  ka mid ah kuwo ugu waaweyn culimada iyo fuqahada islaamka ay dadku isku raaceen iimaamnimadooda xagga cilmiga iyo diinta, kuwaasoo ka gaaray darajo weyn xagga fiqiga iyo cilmiga iyo diinta, waxaana batay ardaydooda oo faafiyey cilmigooda oo baray dadka  daafaha adduunka oo dhan, markaas waxaa  halkaa ka abuurmay  afarta mad-habadood ee ku fidsan waddamada muslimiinta ee iyaga loo tiiriyo, waana kuwan:
  • Iimaam Abuu Xaniifa, magaciisana waa An-Nucmaan bin Thaabit, wuxuu degganaa oo ku noolaa Ciraaq, wuxuu dhintay sannadkii 150 hijrada,  isaga ayaana loo tiiriyaa mad-habka xanafiga. 
  • Iimaam Maalik bin Anas Al-Asbaxi, iimaamka Al-Madiina Al-Munawwara, wuxuu dhintay sannadkii 179 hijrada, isaga ayaana loo tiiriyaa mad-habka maalikiyada.
  • Iimaam Ash-Shaafici, magaciisana waa Muxammad bin Idriis, wuxuu deggenaa oo ku noolaa  Makkah, Madiina, Ciraaq iyo Masar, wuxuu dhintay sannadkii 204 hijrada, isaga ayaana loo tiiriyaa mad-habka shaaficiyada. 
  • Iimaam Axmad bin Xanbal, noloshiisa inta badan wuxuu ku qaatay oo degganaa Ciraaq, wuxuu dhintay sannadkii 241, isaga  ayaana loo tiiriyaa mad-habka xanbaliga. 

Waxaana ka dhexeeyey afartaa iimaam iyo ardaydooda  wanaag iyo is amaanid dhexdood ah, iyo kala qaadasho cilmiga, mid walbaa wuxuu ku dadaali jirey raacidda xaqa iyo sida abbaarta ah,  mana dhibsaneyn inuu ku waafaqo hebel mas’alo, midka kalena mas’alo kale, isagoo raacaya xaqa iyo daliilka, sidaas awgeed waxaynu arkeynaa inay qaarkood cilmiga ka qaateen qaarka kale. Iimaam Axmad wuxuu wax ka bartay Ash-Shaafici, Shaficina wuxuu wax ka bartay Maalik, waxaana ka dhexeeyey Maalik iyo ardayda Abuu Xaniifa kulanno iyo cilmi kala qaadasho. 

Waxaana ka sugnaaday afartaa iimaam dhammaantood qowlkooda: Hadduu xadiiska  sugnaaday waa kaas mad-habkeyga, marka ujeeddadooda koowaad waxay aheyd fidinta cilmiga iyo ka tiridda dadka  jahliga, ee Ilaahay ha u naxariisto Naxariis ballaaran.

Maxaa ku waajib ah qofka Muslimka ah xagga khilaafka fiqiga?

Waxaa ku waajib ah qofka Muslimka inuu ku dadaalo raacidda xaqa iyo haleeliddiis. 

  • Hadduu ka mid yahay xerta cilmiga dalba ee awood u leh inay la soo baxaan oo u kuur galaan daliillada,  markaas waxaa saaran inuu raaco halka uu gaaray dadaalkiisa xagga fahanka daliillada si waafaqsan xeerarka cilmiga aasaasyada fiqia, waana ka xaaraan inuu indho la’aan ku raaco sheekhiisa ama mad-habkiisa hadday u caddaato in laga saxan yahay,  
  • Hadduuse ka mid yahay caamada Muslimiinta aan awood u lahayn inuu baaro oo u kuur galo daliillada markaa waxaa saaran inuu ku dadaalo inuu raaco caaalimka uu ku kalsoon yahay diintiisa iyo cilmigiisa,  sidaasna xilka waa kaga dhacay, wuxuuna qaatay qowlka Ilaahay:
    (فَاسْأَلُوا أَهْلَ الذِّكْرِ إِنْ كُنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ) (الأنبياء: 7).
    “ Ee weydiiya ehlu cilmiga haddaydaan aqoon u lahayn” (Al-Anbiyaa: 7)
    Hadduu ogaado qowl lagu kalsoon yahay ama u weydiiyo caalim la tixgeliyo mas’alo ma saarna markaa inuu axad kale weydiiyo gadaashiis, haddiise uu ogaado qowl kale oo khilaafsan, markaa waxaa saaran inuu raaco midkda uu is leeyahay wuxuu u dhow yahay oo xigaa abbaarta iyo xaqa, sida uu qofka buka  yeelo marka ay isku khilaafaan dhakhaatiirta talada ay siiyeen xagga daawadiisa. 
    Waxaana saaran inuusan ceebeyn ama dhaleeceyn qeyrki muslimiinta hadday isku khilaafaan ra’yiga  maadaama uu qofkaa raaco mad-hab fiqi ah oo jira ama ku daydo caalim la tixgeliyo ama uu ka mid yahay dadka cilmiga leh ee baaritaanka sameyn kara iyo dadaalka ee fahanka leh, waxaana jirtay in saxaabada iyo horraankii suubbanaa ay isku khilaafi jireen mas’alooyin iyagoo haddana is jecel oo walaalo ah oo ka wada hadla iyagoo qaarkood wax ka sheegan qaarka kale. 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide