You are here

Waxaa laga tusaale qaataa xaqiiqda Islaamka ee ma aha in laga tusaale qaato xaalka Muslimiinta qaarkood

Haddaad aragto dhakhtar falaya caado ka soo hor jeedda hab caafimaadka waaagsan oo waxyeelaya naftiisa, ama macallin dabci iyo akhlaaq xun, inkastoo aad la yaabeyso dhaqankooda khilaafsan waxa ay soo barteen iyo aqoontooda iyo meeqaankooda – laakiinse marnaba ma aad beddeleysid ra’yigaaaga xagga ahmiyadda uu u leeyahay cilmiga daawada dadka ama baahida loo qabo tacliinta xagga mujtamca iyo dhisidda ilbaxnimo heer sare ah.
Waxaadna arkeysaa in dhakhtarkaa ama macallinkaa ahayn wax kale aan ahayn tusaale aan wanaagsaneyn xagga waxa uu soo bartay iyo shaqada uu yaqaan.
Oo haddaan aragno hab dhaqanno xun ay la yimaadaan muslimiinta qaarkood, waxaan shaki ku jirin in arrinkaa aan tusaale looga dhigi karin xaqiiqda islaamka saafiga ah, balse waa arrin muujinaya dacfiga aadmiga, iyo dhaqmmada iyo caadooyinka xun ee aan la lahayn wax xiriir ah islaamka, sida aynuba caadooyinka dhakhtarkaa ama macallinkaa iyo dabeecadahooda aan looga sabab dhigi karn ama aan loola xiriirin karin cilmiga daawada iyo waxbarashada. 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide