You are here

Diinta waxaa soo Galaya Dhammaan Dhinacada Nolosha

Islaamku ma aha waxay  baahi u qabto nafsadda keliya  ay kula yimaadaan muslimiinta masaajidda duco iyo salaad keliya..

Oo ma aha sidoo kale weedhooyin keliya iyo waxyaalo qalbiga lagu heysto ay rumeysan yihiin dadka raacsan oo keliya. 

Sidoo kale ma aha oo keliya hab dhaqan dhaqaale isku wada dhan..

oo ma aha xeerar iyo aragtiyooyin keliya si loo dhiso nidaamka iyo mujtamaca keliya…

Oo ma aha sidoo kale habab dabci wanaag ah iyo dabeecado lagula dhaqmo dadka kale…
laakiinse waa habraac iyo hannaan isku dhan ee dheelli tiran ee la xiriira dhammaan dhinacyada nolosha si kasta ha u qoto dheeraadeene oo ha u kor jireene, waxaa soo galaya waxaasi oo dhammi iyo qeyrki.

Oo Wuxuu Allaah u dhammeystiray Muslimiinta nicmaddan oo nooga raalli noqday diintan kaamilka ah sida uu  Kor ahaaye yiri:
}الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا{ (المائدة: 3).
“Maalintan baan idiin dhammeystiray diintiinna, oo idin taam yeelay Nicmaddeyda korkiinna, oo idiin doortay Islaamka diin (hab dhaqan) ahaan”. (Al-Maa’idah: 3)

Oo markuu  nin ka mid ah mushrikiniinta jeesjees ahaan u yiri isagoo la hadlaya saxaabiga weyn Salmaan Al-Faarisi : Saaxiibkiin (wuxuu ula jeedaa Rasuulka Ilaahay) wuxuu idiin baraa wax walba kolay ku tahay adaabta iyo habka loo kaadsho ama loo saxaroodo? Wuxuu saxaabigaa weyn ugu jawaabay: Haayoo, wuu na baray, markaasuu u sheegay axkaanta Islaamka iyo adaabtiisa xagga arrinkan (Muslim:262). 

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide