You are here

Islaamka waa diinta toosnaanta

Islaamku waa diin dhexdhexaad ah aan lahayn wax dhayalsasho iyo gabood fal ah ama ad-adkaan iyo xag jirnimo, wuxuuna arrinkaasi ka muuqdaa dhammaan astaamaha diinta iyo cibaadooyinka naloo jideeyey.

oo arrinkani darti baa waxaa soo arooray ku adkeynta uu Ilaahay Kor ahaaye ku adkeeyey Rasuulka  iyo asxaabtiisa iyo mu’miniinta inay isku dheella tirnaadaan, arrinkaasina wuxuu ahaan markii la dhowro labo arrimood:

Wuxuu Allaah kor ahaaye yiri:
}فَاسْتَقِمْ كَمَا أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلا تَطْغَوْا إنَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ{(هود 112).
“Ee hay dhabbaha toosan  sida lagu amrayba, (adiga) iyo  sidoo kale kuwa la jirkaa u soo laabtay (xagga Ilaahay), oo ha xadgudbina. Hubaal, Wuu arkaa Waxa aad camal fashaan”. (Huud: 112)

 Macnaha waa hay jidka toosan oo ku sugnow oo ku dadaal arrinkaasi adigoon ku talax tegin oo xadka kaga bixin la imaansho wax dheeri ah (ziyaado) ama is kallifin oo is yeelyeelin.
Oo mar uu Rasuulkii Ilaahay  barayey asxaabtiisa wax ka mid ah acmaasha xajka wuxuu kaga digay xagjirnimada iyo wax ka badbadinta  wuxuuna ku baraarujiyey inuu yahay arrinkaa sababta keentay halaaggii ku dhacay ummadahii hore, oo wuxuu markaasi yiri:” Iska jira inaad  xadka kaga baxdaan  diinta, waayo waxaa halaagay dadkii idinka horreeyey xad kaga baxa diinta”. (Ibnu Maajah 3029).

Sidaas awgeed buu Nabigu  wuxuu yiri: “La imaada camallada waxa aad kartaan”. (Al-Bukhaari 1100)
Wuxuu caddeeyey  Rasuulkii Ilaahay  xaqiiqda dhambaalka lala soo diray  iyo inaysan u imaan Risaaladu  inay dul saarto dadka wax dhaafsiisan waxa ay karaan, balse waxay la timid tacliin iyo xikmad iyo wax sahlid, sidaas awgeed buu wuxuu yiri: “ Allaah iima soo dirin inaan ahaado mid wax adkeeya ama isagu madax adag, laakiinse wuxuu I soo diray inaan ahaado macallin wax sahla ee fududeeya”. (Muslim 1478)

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide