You are here

Sidee baan ku baran karaa axkaanta diinta?

Qofkii uu ku dhaco cudur oo damca inuu iska daweeyo, waxaan shaki ku jirin inuu raadsanayo dhakhaatiirta kuwo ugu waayo aragnimo iyo aqoon badan si uu uga qaato daawo wanaagsan, mana dhayalsanayo inuu qaato daawada looga qoro xagga dhakhtarka, waayo noloshiisa waa qaali qiimo badan xaggiisa. 
Diinta Muslimkana waa waxa ugu qaalisan uu leeyahay, sidaas awgeed waxaa ku waajib ah qofka Muslimka ah inuu ku dadaalo barashada diintiisa, oo wuxuu garan waayo   weydiiyo dadka cilmig u leh iyo aqoonta uu ku kalsoon yahay cilmigooda iyo diintooda. 
Akhrintaada kitaabkan, waa tillaabo aad u qaadday jidka toosan, sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:, 
(فَاسْأَلُواْ أَهْلَ الذِّكْرِ إِن كُنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ) (النحل:43)
“Ee weydiiya dadka ehlu cilmiga ah, haddaydaan garanayn” (Al-Naxal: 43)
waase inaad raaciso tillaabooyin kale haddaad garan weydiid wax ka mid ah umuuraha adigoo weydiinaya rugaha Islaamka iyo masaajidda kaa ag dhow:
Waxaa sidoo kale u laaban kartaa websadyadan lagu kalsoon yahay ee kuu caddeynaya arrimaha diinta sidawww.imuslimguide.com
www.newmuslimguide.com
www.al-islam.com
www.islamweb.net

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide