You are here

Ujeeddada naloo abuuray

man pray in the mosque

Waxay ku jaha wareeraan  badi  aqoon yahannada iyo caamadaba si isku mid ah inay ka jawaabaan su’aasha ugu muhimsan nolosheenna:

Maxaynu u jirnaa?

Waa maxay ujeeddada naloo abuuray?

Waxaase loogu xusay Qur’aanka gunta iyo ujeeddada jiritaanka aadmiga noloshan si caddaan ah aan lahayn wax mugdi iyo madmadow ah, tixraac qowlka Ilaahay Kor ahaaye:
( وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنْسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ) (الذاريات: 56)
“Oo  uma aanu abuurin Jinka iyo dadka waxaan ahayn inay i caabudaan”. (Ad-Daariyaat: 56)

Marka cibaadada waa ujeeddada iyo gunta jiritaankeenna arladan oo waxa ka soo hara waa habab iyo waxyaalo soo raaca oo dhammeystir u ah iyo hirgelin
Laakiinse cibaadada sida Islaamka uu u yaqaan ma aha adduun ka jeesi iyo ka go’itaan nolosha iyo macmacaannadeeda iyo raaxooyinkeeda, bal waxaa soo galaya  salaadda, soonka iyo sakada ka sokow dhammaan wax qabadka qofka iyo howlahiisa iyo oraahahiisa iyo waxyaalaha uu soo saaro iyo xiriirradiisa, bal waxaa xitaa soo galaya cayaarahiisa iyo raaxeysigiisa haddii lagu saleeyo arrinkaa niyad wanaagsan  iyo ujeeddo fiican, sidaas awgeed buu Nabigu  wuxuu yiri: “Waxaa u tegistiinna xaaskiinna la idiinka qoraa  sadaqo”  waxaa arrinkaa loola jeedaa in ajar iyo abaalgud looga qoro qofka muslimka ah xitaa la raaxeysigiisa xaaskiisa. 

Sidaas bay  cibaadada iyadoo waliba ah gunta iyo ujeeddada nolosha u noqotaa  xaqiiqda nolosha, sidaas awgeed qofka Muslimka ahi wuxuu ku sugan yahay noocyo kala duwan oo cibaadooyin ah dhexdooda, sida uuba Allaah Kor ahaaye yiri: “Dheh: Hubaal salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uunanka oo idil.
(قُلْ إِنَّ صَلاَتِي وَنُسُكِي وَمَحْيَايَ وَمَمَاتِي لِلهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ)(الأنعام: 162).
 Ma  leh wax shariik ah. Oo (arrin) kan baa la I amray, oo Waxaan ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Allaah).” (Al-Ancaam: 162)

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide