You are here

Islaamka waa Diin Caalami ah

Diinta Islaamka waxaa loo soo dejiyey naxariis iyo hanuun ahaan dhammaan shucuubta si kastaba ha u kala duwanaatee aqoontooda, qabiilooyinkooda,  dhaqammadooda, caadooyinkooda iyo dalalkooda. Sida uu Allaah Kor ahaaye yiri:
(وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِلْعَالَمِينَ)( الأنبياء 107).
“Oo kuuma aanu soo dirin (Nabi Muxammadow) waxaan aheyn Naxariis aad u ahaato caalamka”. (Al-Anbiyaa: 107)

Sidaas awgeed Islaamku wuxuu tixgelin iyo mudnaan siiyaa dhammaan caadooyinka dadka iyo dhaqammadooda, mana uu ku waajibiyo Muslimiinta inay beddelaan haddaanay caadooyinkaa khilaafin wax ka mid ah sharciyada Islaamka. Wax kastoo khilaafa Islaamka oo ka mid ah caadooyinka iyo dhaqammada dadka waa in la beddelo oo la waafajiyo Islaamka, maxaa yeelay Allaah ee amray ama reebay waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha wax kasta u Xog Ogaalka ah ee ka war haya, maaadaamana aynu rumeysannahay Allaah waxaa xil na saaran ah inaan u hoggaansanno sharcigiisa. 
Wuxuuna ku baraarujiyaa dadka in caaadooyinka Muslimiinta ee aan la lahayn wax xiriir ah Islaamka iyo xeerarkiisa, uma bannaana qofka Muslimka ah inuu ku dhegganaado ama uu iska heysto sidii diin, balse waa in loo arkaa inay thay nooc ka mid ah caadooyinka dadka iyo wada dhaqankooda bannaan. 

Dhammaan arlada waa meel loogu tala galay in lagu caabudo Allaah

Islaamka wuxuu u arkaa dhulka inuu yahay meel ku habboon in lagu noolaado oo lagu caabudo Allaah, mana jiro dal ama meel gaar ah ay ku waajib tahay Muslimiinta inay u haajiraan oo degaan, ee waxaa tixgelin leh oo keliya sida loogu caabudi karo halkaa Allaah dhibaato la’aan.  
Oo ma saarna qofka Muslimka ah inuu u soo guuro oo haajiro meel kale, haddaanan laga horjoogsan oo loo diidin inuu ku caabudo halkaa Allaah, markaa wuxuu uga soo wareegayaa meel uu ku caabudi karo Allaah sida uuba Allaah Kor ahaaye yiri:
(يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ آمَنُوا إِنَّ أَرْضِي وَاسِعَةٌ فَإِيَّايَ فَاعْبُدُونِ)(العنكبوت: 56).
“Addoomahayga rumeysanow! dhulkaygu waa ballaaran yahay, ee Anigoo (Keliya) i caabuda”. (Al-Cankabuut: 56)

Tixraaca Fudud ee Muslimka

Websiteka Tixraaca fudud ee Muslimka waa nuqulka elektronigga ah ee kitaabka (Tixraaca fudud ee Muslimka) waana mid ka mid ah mashaariicda shirkadda Ad-Daliil al-Mucaasir. Waxaa kitaabkan loo tarjumay in ka badan 15 luqadood, waxaana laga akhrisan karaa baraha elektarooniga ee la yaqaan.

Modern Guide